Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si adag uga falceliyay hadal uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ku sheegay in hoggaanka dowladda ay dalka u wadaan meel aan la garanayn.
C/raxmaan C/shakuur oo qoraal ku baahiyay bartiisa Facebook ayaa sheegay in hadalka ra’iisul wasaaruhu uu ka tarjumayo xaaladda hoggaamineed ee dalka, isaga oo madaxda dowladda ku eedeeyay karti-darro, musuqmaasuq, qaraabo-kiil iyo jihayn la’aan siyaasadeed.
Waxa uu intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan hore u arag hoggaan isku darsaday astaamahaas, isaga oo sheegay in madaxda dowladda ay ku mashquulsan yihiin sidii ay xukunka u sii joogi lahaayeen, halkii ay xoogga saari lahaayeen dejinta iyo soo bandhigista qorshe cad oo dalka lagu hoggaaminayo.
Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in hoggaamintu u baahan tahay garasho iyo karti lagu qiimeeyo xaaladaha jira, laguna odoroso khataraha dalka soo wajihi kara, isaga oo xusay in hoggaamiyaha wanaagsan uu garan karo xilliga ay lagama maarmaanka tahay in jihada la beddelo.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in hadalka ra’iisul wasaare Xamse uu sii kordhinayo shakiga laga qabo jihada dowladda, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo go’aanka mucaaradku ka gaarayaan ka qaybgalka wada-hadallada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka.
Ugu dambayn, C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in mucaaradku horyaallaan laba arrimood: inay si wadajir ah uga hortagaan waxa uu ku tilmaamay halista ka imanaysa hoggaanka dowladda, ama ay beesha caalamka ka codsadaan gurmad.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ee ahaa in dowladda ay dalka u waddo meel aan la garanayn ayaa dhaliyay falcelin siyaasadeed, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradku ay su’aal geliyeen jihada ay dowladdu dalka ku hoggaaminayso.