Wafdi uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo maanta gaaray magaalada Baraawe

Wafdi uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe oo maanta gaaray magaalada Baraawe

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe, halkaas oo ay si diirran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, saraakiisha amniga, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Socdaalka Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa la sheegay inuu la xiriira qiimeynta xaaladda guud ee magaalada, gaar ahaan amniga, nolosha bulshada iyo adeegyada aasaasiga ah, si maamulka uu xog-ogaal ugu noqdo baahiyaha jira iyo caqabadaha ay wajahayaan dadka deegaanka.

Soo dhaweynta wafdiga Sheekh Aadan Madoobe waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Koonfur Galbeed, xildhibaanno, guddoomiyeyaasha gobolka Sh/hoose iyo degmada Baraawe, saraakiil amni, odayaal dhaqameed iyo boqollaal qof oo ka mid ah shacabka magaalada.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay kulamo la yeeshaan mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo diiradda lagu saari doono adeegyada aasaasiga ah, baahiyaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga magaalada.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada shaqeynta maamulka, laamaha amniga, odayaasha dhaqanka iyo shacabka, si iskaashi wadajir ah looga yeesho wax ka qabashada baahiyaha iyo caqabadaha ka jira deegaanka.