Turkiga ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu qorsheynayo inuu dalka Soomaaliya usoo diro 15,000 oo askari, kaddib codsi la sheegay inuu uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in warkaas uusan sal lahayn, isaga oo caddeeyay in ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay weli xoogga saarayaan tababarka, talo-bixinta iyo taageerada milatari ee ay siiyaan ciidamada Soomaaliyeed.
Aktürk ayaa xusay in ciidanka hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya iyo taliska ciidanka cirka ee Turkiga ee dalka jooga ay ka shaqeynayaan xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan dhinacyada tababarka iyo tayeynta awooddooda hawlgal.
Turkiga ayaa muddo dheer Soomaaliya ka taageerayay dhismaha ciidamada, waxaana sanadkii 2017-kii uu Muqdisho ka hirgeliyay xarunta tababarka milatariga ee TURKSOM, halkaas oo lagu tababaro cutubyo kala duwan oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutooyinka Gorgor.
Si kastaba ha ahaatee, taageerada Turkiga kuma koobna kaliya tababarka ciidamada, balse wuxuu sidoo kale ka caawiyaa Soomaaliya dhinacyada saadka, horumarinta kaabayaasha milatariga iyo tayeynta hoggaanka, kuwaas oo qayb ka ah iskaashiga labada dal ee lagu xoojinayo awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.