Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka, ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta kormeer ku tagtay goobta loo diyaariyay doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo lagu wado inay qabsoonto berri.
Kormeerka waxaa ku wehliyay guddoomiye ku-xigeenka labaad, C/laahi Cumar Abshirow, guddiga doorashada guddoomiyaha golaha shacabka iyo xoghayaha guud ee golaha, C/raxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri), waxayna mas’uuliyiintaasi qiimeeyeen heerka diyaar-garowga goobta iyo habraacyada loo qorsheeyay qabashada doorashada.


Kormeerka ayaa intii uu socday waxaa si gaar ah loo hubiyay nidaamka cod-bixinta, goobaha ay ka howlgeli doonaan guddiga doorashada iyo agabka loogu talagalay xildhibaannada, iyadoona sidoo kale la qiimeeyay diyaar-garowga farsamo iyo hab-maamuuska doorashada, si loo xaqiijiyo in howluhu u dhacaan si nidaamsan.


Guddoomiyaha KMG ah, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay in doorashadu ku dhacdo si hufan, caddaalad ah oo xasilloon, iyadoo si buuxda loo raacayo xeerarka iyo habraacyada u degsan golaha shacabka.


Si kastaba ha ahaatee, kormeerkan ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga ugu dambeeya ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo mas’uuliyiintu ay xaqiijinayaan in goobta, agabka iyo habraacyada loo baahan yahay ay diyaar yihiin ka hor inta aan la guda gelin cod-bixinta.