Dowladda Masar oo qorshaynaysa inay taageero militari ah siiso dowladda Sacuudiga

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-Siisi

Dowladda Masar ayaa qorshaynaysa inay taageero milatari siiso Sacuudiga haddii loo baahdo, kaddib markii madaxweynaha Masar, C/fataax Al-Siisi, uu baarlamaanka dalkiisa ka codsaday inuu oggolaado tallaabooyin lagu difaaci karo Riyadh, haddii ay dowladda Sacuudigu codsato.

Al-Siisi ayaa sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay qaaddo tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah difaaca Sacuudiga, isaga oo xusay in tallaabo kasta oo milatari ay ku xirnaan doonto codsi rasmi ah oo ka yimaada Sacuudiga iyo oggolaanshaha baarlamaanka Masar.

Masar ayaa hore uga mid ahayd isbahaysigii milatari ee uu Sacuudigu hoggaaminayay ee faragelinta ku sameeyay Yemen sannadkii 2015-kii. Doorka Masar ayaa inta badan ku koobnaa taageerada amniga marinnada maraakiibta ee Badda Cas, halkii ay si ballaaran uga qayb qaadan lahayd dagaallada dhulka.

Xiisadda ayaa sii xoogeysatay tan iyo bishii Luulyo 2026, markii dagaalka Yemen uu dib u qarxay, islamarkaana ay xuutiyiinta kordhiyeen weerarrada ay ku beegsanayaan xarumaha muhiimka ah ee Sacuudiga, oo ay ku jiraan kaabayaasha tamarta iyo garoomada diyaaradaha.

Weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Boqor Khaalid ee Riyadh ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan, halka Sacuudigu uu duqeymo cirka ah ka fuliyay goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan gudaha Yemen.

Weeraradan ayaa sii kordhiyay walaaca laga qabo in colaadda Yemen ay isu beddesho dagaal goboleed oo ballaaran.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabada Masar ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan iska horimaadyada Yemen iyo weerarrada ka dhanka ah Sacuudiga, iyadoo go’aanka baarlamaanka Masar uu muhiim u noqon karo heerka taageero ee Masar ay diyaar u tahay inay siiso Sacuudiga.