Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu hormuud ka noqdo wada-hadal qaran loo dhan yahay islamarkaana lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo ku boorriyay dhinacyada siyaasadda inay muujiyaan tanaasul iyo is-afgarad.
Farmaajo ayaa baaqaan ku sheegay warqad furan oo uu u diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu madaxweynuhu ku sugan yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaasi oo uu kaga qeybgalayo shirka 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Waxa uu Farmaajo warqadiisa ku sheegay in Soomaaliya ay wajahayso xaalad xasaasi ah oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada ah, isagoo xusay in khilaafaadka siyaasadeed ay saameyn ku yeelan karaan midnimada iyo wadajirka dalka.
Farmaajo ayaa soo jeediyay in heshiis laga gaaro doorashooyinka, dastuurka iyo hannaanka federaalka, isagoo ku baaqay in muddo kooban lagu qabto doorasho loo dhan yahay, si looga gudbo hubanti la’aanta siyaasadeed.
Si kastaba ha ahaatee, baaqa Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, iyadoo ay weli taagan yihiin doodaha ku saabsan dastuurka, federaalka iyo hannaanka doorashada dalka.