Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare, Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa maanta lagu dhaariyay xarunta madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda dhaarinta uu goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda oo ahayd mid kooban waxaa sidoo kale ka qaybgalay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha golaha shacabka, guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee aqalka sare, ra’iisul wasaaraha xukuumadda iyo wasiirka caddaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu xilkiisa u guto si hufnaan, daacadnimo iyo xilkasnimo leh, isaga oo xusuusiyay mas’uuliyadda dastuuriga ah ee ka saaran hoggaaminta hay’adda garsoorka ugu sarreysa dalka.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, ku dhaqanka sharciga iyo xaqiijinta caddaalad loo siman yahay, isaga oo tilmaamay in garsoor madax-bannaan uu saldhig u yahay kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dowladda.

Si kastaba ha ahaatee, dhaarinta guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare ayaa kusoo beegmaysa xilli uu weli taagan yahay muranka ku saabsan hoggaanka maxkamadda, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore, Baashe Yuusuf Axmed, oo diiday go’aanka xil-ka-qaadista, kuna tilmaamay mid aan waafaqsanayn sharciga.