Liibaan Axmed oo ku guuleystay tartanta doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug

Madaxweynaha maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq)

Liibaan Axmed Xasan (Liibaan Shuluq) ayaa ku guuleystay doorashada xilka madaxweynaha maamulka Galmudug, oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kadib markii uu helay 72 cod oo ka mid ah 89 cod oo la dhiibtay.

Liibaan Shuluq ayaa doorashada kaga guuleystay C/qaadir C/laahi Diiriye oo ahaa musharraxii la tartamay, kaas oo helay 14 cod, halka saddex cod kale ay xumaadeen, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha wakiillada Galmudug.

Guusha Liibaan Shuluq ayaa ka dhigan inuu beddelayo madaxweynaha haatan xilka haya, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si uu ula wareego hoggaanka maamulka Galmudug.

Liibaan Shuluq oo ka tirsan xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP ayaa ka mid ahaa musharraxiinta sida weyn ugu ololeynayay inuu ku guuleysto xilka, isagoona taageero weyn ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, C/weli Ibraahim Garyare ayaa isna loo doortay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, isaga oo helay 64 cod, halka musharraxii la tartamayay, C/sataar Maxamed Geelle, uu isna helay 20 cod.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadaan ayaa kusoo beegmaysa xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka dalka, iyadoo mucaaradku hore uga horyimaadeen qaabka loo maareeyay doorashooyinkii ka dhacay Koonfur Galbeed iyo gobolka Banaadir.