Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah u furay shirweynaha koowaad ee badaha Soomaaliyeed

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta si rasmi ah u furay shirweynaha koowaad ee badaha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay shirweynaha koowaad ee badaha Soomaaliyeed, kaas oo lagu falanqeynayo doorka ay badaha Soomaaliya ku leeyihiin koboca dhaqaalaha, amniga qaranka, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta khayraadka buluugga ah.

Shirkaan ayaa ah madal muhiim ah oo ay isugu yimaadeen dhinacyada kala duwan ee daneynaya arrimaha badda, si looga wada hadlo fursadaha dhaqaale ee ku jira xeebaha Soomaaliya, caqabadaha jira iyo sidii loo abuuri lahaa hannaan waara oo lagu maareeyo khayraadka badda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in badaha Soomaaliyeed ay yihiin hanti qaran oo muhiim u ah mustaqbalka dalka, isla markaana ay laf-dhabar u noqon karaan koboca dhaqaalaha haddii si qorshaysan oo masuuliyad leh looga faa’iideysto.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta, maareynta iyo horumarinta khayraadka badda, iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka iyo heshiisyada caalamiga ah ee la xiriira badaha.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, xoojinta amniga badda, ka hortagga kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga la xiriira dekedaha, xeebaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha badda.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in horumarinta kalluumeysiga, gaadiidka badda iyo adeegyada la xiriira xeebaha ay abuuri karaan fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo wax weyn ka tari kara nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Shirweynaha koowaad ee badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalka, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyayaal kale oo ku howlan arrimaha badda.

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo aragti qaran oo ku wajahan ka faa’iidaysiga khayraadka badda Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo iskaashiga gudaha iyo kan caalamiga ah si loo xaqiijiyo in hantida badda looga faa’iideysto si waarta oo ku saleysan danaha shacabka Soomaaliyeed.