Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada Qaranka kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo toddobo safiir oo cusub oo dalalkooda u soo magacaabeen Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Danjirayaasha madaxweyne Xasan Sheekh ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga ayaa kala ah Mohamed Alim oo ka socda Aljeeriya, Joao Alfredo Dos Anjos oo ka socda Brazil, Dr. Adarsh Swaika oo Hindiya ka socda, Dr. Madou Diallo oo ka socda Mali, Danlami Ibrahim oo ka socda Nigeria, Aqsa Nawaz oo ka socota Pakistan iyo Aung Min Oo oo isna ka socda Myanmar.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorshayaashooda iyo mudnaanta ay siinayaan xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa danjirayaasha u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin muuqata ka qaataan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Safiirrada cusub ayaa dhankooda Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay uga sideen madaxda dalalkooda, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah howlaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka caalamka, iyadoo safiirrada cusub laga filayo inay door ka qaataan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay toddobo safiir oo cusub