Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay’adda SoDMA ee magaalada Muqdisho

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka (SoDMA) ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda, Maxamuud Macallin Cabdulle.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay maamulka iyo howlwadeennada hay’adda, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan howlaha ay SoDMA u xilsaaran tahay, gaar ahaan ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka, gurmadka deg-degga ah iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed xilliyada ay dhacaan xaaladaha bani’aadannimo.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho
Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay dadaallada SoDMA iyo kaalinta ay ka qaadato gurmadka dadka ay saameeyaan musiibooyinka, isagoo tilmaamay in loo baahan yahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo dhinacyada ku howlan gurmadka iyo maaraynta musiibooyinka.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho
Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho

Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo diyaar-garowga iyo awoodda wax looga qabanayo musiibooyinka dabiiciga ah iyo xaaladaha bani’aadannimo, si gurmad deg-deg ah oo hufan loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyaan.

Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho
Sheekh Aadan Madoobe oo maanta booqday xarunta hay'adda SoDMA ee magaalada Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Sheekh Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ah kulamada uu magaalada Muqdisho kula yeelanayo hay’adaha dowladda iyo madaxda kale, iyadoo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga iyo taageerada loo fidiyo shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.