Sheekh Shariif oo ka hadlay marxaladda adag ee ka taagan amniga iyo siyaasadda dalka

Sheekh Shariif oo ka hadlay marxaladda adag ee ka taagan amniga iyo siyaasadda dalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo si adag uga hadlay xaaladda dalka ayaa sheegay in dalka uu haatan marayo marxalad adag oo dhinaca siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha ah, taas oo uu sheegay inay u baahan tahay in la mideeyo fikirka iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif oo ka hadlay munaasabad uu soo qabanqaabiyay xisbigiisa Himilo Qaran ayaa sheegay in kulanku ku soo beegmay xilli ay Soomaaliya wajahaysaa xaalad siyaasadeed oo culus, isagoo xusay in ujeeddadu tahay in la is dhaafsado aragtiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira.

Waxa uu tilmaamay in Soomaaliya muddo ku dhow 35 sano ay soo martay dagaallo, dhimasho, barakac iyo kala fogaansho bulsho, iyadoo muddadaas ay jireen dadaallo lagu soo celinayay dowladnimada iyo midnimada bulshada Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif ayaa carrabka ku adkeeyay in xaaladda hadda jirta ay muujinayso baahida loo qabo in Soomaalidu ay isu keento aragtiyahooda, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo sidii dalka looga gudbin lahaa marxaladda adag.

Waxa uu sidoo kale sheegay in doodda siyaasadeed aan lagu koobin kuraas, doorashooyin iyo loollan siyaasadeed, balse loo baahan yahay in si weyn looga fiirsado mustaqbalka iyo masiirka guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay Soomaalida gudaha iyo qurbo-joogta inay iska kaashadaan sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha dalka, isagoo rajo ka muujiyay in wada-tashiyada socda ay horseedi karaan talooyin iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah.