Shirkadaha waaweyn ee korontada ka shaqeeya magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay kordhiyeen qiimaha korontada, iyaga oo sabab uga dhigay kororka qiimaha shidaalka ee la xiriira dagaallada ka socda Bariga Dhexe iyo carqaladaha saameeyay marinnada ganacsiga shidaalka.
Shirkadaha BECO, Muqdisho iyo Blue Sky ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah u qabteen ku shaaciyay in qiimaha halkii kilowatt-saac (kWh) ee korontada lagu kordhiyay $0.05, taas oo ka dhigan shan senti oo dheeraad ah halkii unug ee korontada la isticmaalo.
Dhinaca kale, mas’uul u hadlay shirkadaha ayaa sheegay in xirnaanshaha marinka Hormuz uu saameyn ku yeeshay sahayda shidaalka iyo qiimihiisa, taas oo kordhisay kharashaadka ku baxa soo saarista korontada.
Sidoo kale, waxa uu xusay in kororka qiimaha shidaalku ku qasbay shirkadaha inay wax ka beddelaan qiimaha ay macaamiisha ka qaadaan.
Si kastaba ha ahaatee, go’aankan ayaa saameyn ku yeelan kara kharashaadka qoysaska iyo ganacsiyada ku tiirsan korontada magaalada Muqdisho, gaar ahaan xilligan ay duruufaha dhaqaale ee caalamku saameyn ku leeyihiin qiimaha shidaalka iyo adeegyada kale.