Wafdi ka socda dalka Jabuuti oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya soo gaaray wafdi hordhac u ah madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu wado inuu ka qeyb galo caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdigaan oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Jabuuti ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xidhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo xafladda caleema saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 9-ka bishaan dhaceeysa.