Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii ugu dambeysay casuumaad rasmi ah ku joogay dalka Turkiga ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidda Carafo, wuxuuna xusuusiyey xaaladda nololeed ee ay la tacaalayaan kumannaan qoys oo Soomaali ah, ayna mudan yihiin inay farxadda ciidda la qeybsadaan dadkooda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in maalmahaan barakaysan ay ducada iyo Alle bariga badiyaan, islamarkaana ay u gargaaraan dadka danyarta ah.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii ugu dambeysay ku sugnaa dalka Turkiga, halkaasi oo kula soo kulmay dhiggiisa dalkaasi Recep Tayyip Erdogan, waxayna labada dhinac kawada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, tababarrada ciidamada.