Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed C/casiis Lafta-gareen, Agaasimaha guud ee madaxyooyada Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirada Soomaaliya, xildhibaano iyo sidoo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu magaalada Baydhabo kulamo gooni gooni ah kula yeesho madaxda maamulka Koonfur Galbeed, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo sidoo kale odayaasha dhaqanka magaaladaas.

Waa safarkii ugu horeeya uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga amba-baxo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, tan iyo markii xilka loo doortay 15-kii bisha May ee sanadkan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu safarka kan xiga ugu amba-baxo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.