Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga hadlay warqad uu dhawaan soo saaray madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, oo uu ku sheegay in burcad-badeedda lagu dhiirrigelinayo inay madax-furasho ka dalbadaan maraakiibta ay afduubtaan.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in bixinta lacagaha madax-furashada ah ee la siiyo kooxaha burcad-badeedda ay u noqon karto il dhaqaale oo ay ku sii wataan abaabulka iyo afduubka maraakiibta, isla markaana ay adkaan karto in si joogto ah loo wiiqo awooddooda.
Wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay dowladaha iyo shirkadaha ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin xeebaha Soomaaliya inay ka fogaadaan bixinta lacagaha madax-furashada ah, isagoo sheegay in xalka kaliya ee lagu soo deynayo maraakiibta la afduubtay uu ku salaysnaan karo iskaashi dhinaca amniga ah iyo tallaabooyin wax-ku-ool ah oo looga hortagayo kooxaha afduubka geysta.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay diyaar u tahay inay qeyb ka noqoto dadaallada lagu soo deynayo maraakiibta iyo doomaha ay burcad-badeeddu gacanta ku hayaan, iyadoo mudnaanta la siinayo xal aan sii xoojinayn awoodda dhaqaale iyo tan abaabul ee kooxaha ku lugta leh afduubka.
Ugu dambeyn, wasiir Fiqi ayaa ugu baaqay madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni, inuu xoojiyo doorka maamulkiisu ku leeyahay la-dagaallanka burcad-badeednimada, isagoo xusay in Puntland ay leedahay ciidamo badeed iyo ciidamo ku sugan deegaannada xeebaha, kuwaas oo awood u leh inay ka hortagaan kooxaha falalkaasi wada.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiir Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo amniga xeebaha dalka iyo ka hortagga falalka burcad-badeednimada, gaar ahaan afduubka maraakiibta isaga kala goosha biyaha Soomaaliya.