Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu xalay ku baahiyay bartiisa Facebook kaga hadlay xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda iyo mucaaradka, isaga oo qaar ka mid ah dhinacyada mucaaradka ku eedeeyay inay wadaan daandaansi iyo abaabul dagaal.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalku aysan waligeed bilaabin weerarro ka dhan ah mucaaradka, balse kooxaha mucaaradka qaarkood ay ku dhaqaaqeen tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo halis gelinaya amniga iyo xasilloonida magaalada Muqdisho, isagoona sidoo kale sheegay in aan la aqbali doonin tallaabooyinka noocaas ah.
Sidoo kale, wasiirka ayaa qoraalkiisa ku xusay dhacdooyin uu sheegay inay dhaceen bishii Sebtembar 2025 iyo bilihii May iyo Juun 2026, kuwaas oo uu qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro iyo falal hubeysan, hase yeeshee, qoraalkiisa kuma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo lagu xaqiijinayo eedeymahaas.
Si kastaba ha ahatee, hadalka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan hadallada is-dhaafsiga ah ee u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka, iyadoo labada dhinac ay isku eedeynayaan tallaabooyin ay sheegeen inay saameyn ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed iyo amni ee caasimadda.