Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, C/kariin Axmed Xasan, ayaa kulan xog-warran ah la yeeshay safiirro iyo wakiillo ka socday beesha caalamka, iyadoo looga hadlay horumarka laga sameeyay geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya iyo qorshayaasha doorashooyinka soo socda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay safiirrada Mareykanka, Boqortooyada Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Masar, iyo sidoo kale wakiillo ka socday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Guddoomiye C/kariin Axmed Xasan ayaa warbixin ka bixiyay hawlaha guddiga u qabsoomay, islamarkaana si gaar ah u xusay doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir iyo doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha deegaanka iyo golaha wkiillada ee ka dhacay maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isagoona sidoo kale ka hadlay doorashooyinka qorshaysan ee Hirshabeelle.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Guddoomiyaha ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashada qof iyo cod uu horumar ka sameeyay dalka, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay heleen fursad ay ku doortaan wakiilladooda siyaasadeed heerarka kala duwan, kaddib muddo dheer oo aan doorashooyin toos ah si joogto ah uga dhicin dalka.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Dhinaca kale, safiirrada iyo wakiillada beesha caalamka ayaa soo dhaweeyay horumarka laga sameeyay doorashooyinka qof iyo cod, iyagoo su’aalo iyo aragtiyo ka dhiibtay xaaladda iyo qorshayaasha doorashooyinka Soomaaliya.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Wakiillada caalamiga ah ayaa sidoo kale caddeeyay taageeradooda ku aaddan xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii awoodda doorashada loogu celin lahaa shacabka, iyagoona sheegay inay diyaar u yihiin inay guddiga kala shaqeeyaan hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka oo kulan la yeeshay wakiillo ka socda beesha caalamka

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa qeyb ka ah wada-shaqeynta guddiga doorashooyinka iyo saaxiibada caalamka, iyadoo diiradda lagu saarayo horumarinta hannaanka doorashooyinka iyo xoojinta kalsoonida lagu qabo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.