Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka

guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa loo doortay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaddib doorasho maanta ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa helay 142 cod, halka musharraxii isaga la tartamayay ee ahaa, Xildhibaan C/qaadir Cumar Macallin (Daada), uu isna helay 30 cod.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sidaas ku helay aqlabiyadda codadka la dhiibtay, isagoo noqonaya guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka.

Natiijada cod-bixinta waxaa ku dhawaaqday guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kaddib ku dhawaaqista natiijada, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa u yeertay guddoomiyaha cusub si loo dhaariyo, taasoo rasmi ka dhigtay inuu si rasmi ah u bilaabo waajibaadkiisa.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo tan iyo bishii Maarso ee 2025-ka uu ahaa wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda.

Sidoo kale, wuxuu horey usoo noqday wasiirka gaashaandhigga iyo wasiirka caddaaladda Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale muddo kasoo shaqeeyay xafiiska guddoomiyaha golaha shacabka isagoo ahaa lataliye sare.

Xildhibaan C/qaadir Maxamed Nuur ayaa ballanqaaday in golaha shacabka uu si dhow ula socon doono howlaha hay’adaha dowladda, iyadoo la xoojinayo doorka baarlamaanka ee kormeerka iyo isla-xisaabtanka hay’adaha fulinta.