Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktas, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo dowladda Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Koonfur Galbeed, gaar ahaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xaaladaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka.

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

#Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta Turkiga ee taageerada adeegyada aasaasiga ah iyo dadaallada dib-u-dhiska dalka.

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya
Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa Danjiraha Turkiga la wadaagay xaaladda ka jirta deegaannada maamulka iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado horumarineed oo waara.

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta, iyadoo mudnaanta la siinayo mashaariicda iyo taageerada wax ka tari karta xasilloonida, adeegyada bulshada iyo horumarka dhaqaale ee Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe oo Muqdisho kulan kula yeeshay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya

Kulanka ayaa qeyb ka ah kulamo shaqo oo Sheekh Aadan Madoobe uu magaalada Muqdisho kula yeelanayo madaxda dowladda federaalka, diblomaasiyiinta iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo looga hadlayo xoojinta iskaashiga iyo taageerada horumarineed ee Koonfur Galbeed.