Wasiir ku-xigeenkii ganacsiga iyo warshadaha oo iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda federaalka

Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abukaate)

Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abukaate), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda.

Qoraal uu soo saaray 13-ka Agoosto 2026 ayuu xildhibaan Abukaate ku caddeeyay inuu iska casilay xilka wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha, hase yeeshee ma uusan shaacin sababta rasmiga ah ee keentay go’aanka uu ku tegay xilka.

Abukaate ayaa qoraalkiisa uga mahadceliyay madaxda dowladda fursaddii loo siiyay inuu ka mid noqdo xukuumadda Dan-Qaran, isagoo sheegay inuu xilkaas u arkayay fursad uu ugu adeego shacabka Soomaaliyeed.

Is-casilaadda ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka ay ka jiraan isbeddello siyaasadeed iyo kuwo maamul, iyadoo dowladda federaalkuna ay waddo qorshayaal la xiriira shaqada iyo dib-u-habaynta hay’adaha dowladda.

Ilaa iyo haatan, xukuumadda federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan is-casilaadda xildhibaan Maxamuud C/laahi Axmed (Abukaate) iyo tallaabada xigta ee laga qaadayo xilka uu banneeyay.