Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababarka dufcadda 5-aad ee ciidanka Darawiishta Soomaaliyeed, kaddib markii ay ciidamadu soo dhammaysteen tababar lagu tayeynayay aqoontooda iyo awooddooda ciidanimo.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray anshaxa iyo hab-dhaqanka ciidanka, maaraynta hubka, fulinta howl-gallada khatarta ah iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.


Ciidamada ayaa sidoo kale lagu baray hababka gargaarka degdegga ah iyo sidii si hufan wax looga qaban lahaa xaaladaha ka dhasha goobaha dagaallada iyo xaaladaha kale ee amni.


Ugu dambeyn, wasiir Fartaag ayaa ciidanka kula dardaarmay inay dhowraan sharciga, ilaaliyaan sharafta iyo anshaxa ciidanka, isla markaana waajibaadkooda qaran u gutaan si daacadnimo, xilkasnimo iyo mas’uuliyad leh.
Tababarka dufcadda 5-aad ayaa qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo tayada ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in la helo ciidan leh xirfad, anshax iyo diyaar-garow wanaagsan oo awood u leh sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo xoojinta kala dambeynta dalka.