Wasiirka gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag uga jawaabay walaaca iyo digniinta kasoo yeertay Puntland ee ku aaddan qorshaha madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku tagayo magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Fiqi oo magaalada Dhuusamareeb kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha booqashada madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in madaxweynaha uu tagayo qeybta koonfureed ee Gaalkacyo oo ay maamusho Galmudug.
Fiqi ayaa hadalkiisa ku sheegay in digniinaha kasoo baxaya Puntland aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin safarka madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo si gaar ah uga hadlay hadallada madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni.
Wasiirka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada ku wada nool labada dhinac ee Gaalkacyo ay ilaashadaan nabadda iyo wada-noolaanshaha, isagoo sheegay in aan loo baahnayn tallaabo kasta oo abuuri karta xiisad cusub.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay si adag uga hortimid qorshaha booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Gaalkacyo, iyadoo maamulka uu sheegay in safarka laga cabsi qabo inuu horseedo xiisad siyaasadeed iyo mid amni darro.