Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa sheegtay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Warciise oo qiyaastii 25 kiiloomitir u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
War-saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay sagaal xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo sida hay’addu sheegtay muddo lagu daba-joogay xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.
NISA ayaa magacyada labada horjooge ku kala sheegtay Axmed Cali Jimcaale, oo lagu tilmaamay horjoogihii Al-shabaab ugu magacawnaa magaalada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo ahaa horjoogaha kooxda u qaabilsanaa deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, labada nin ayaa lagu eedeeyay inay door muhiim ah ku lahaayeen howlaha kooxda ee deegaannadaasi, iyadoo hay’addu sheegtay in muddo ay daba socotay dhaqdhaqaaqyadooda.
NISA waxay sidoo kale sheegtay in toddobada xubnood ee kale ee lagu dilay howlgalka ay ka tirsanaayeen xisbada Al-shabaab, oo ah garab ka tirsan kooxda u qaabilsan arrimaha amniga iyo fulinta howlgallada.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ay kordhinayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gobollada Hirshabeelle, gaar ahaan deegaannada ku dhow magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
