Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobollka Galgaduud, halkaas oo uu si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Dhuusamareeb ayaa salka ku haya xoojinta dadaallada dowladda ee dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, iyadoo Madaxweynaha la filayo inuu ka qeyb galo munaasabad lagu soo xirayo tababar loo qabtay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa daahfuri doono mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay deegaannada maamulka Galmudug, kuwaas oo qeyb ka ah qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha dhaqaale.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug, isagoo dhageysan doona aragtidooda, baahiyaha ay qabaan iyo talooyinkooda ku aaddan amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Si kastaba ha ahaatee, booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb ayaa qeyb ka ah socdaallo uu ku tagayo maamul goboleedyada dalka, iyadoo dowladda federaalka ay sheegtay in kulamadaasi ay muhiim u yihiin xoojinta xiriirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada, iyo dardargelinta howlaha horumarineed iyo amni ee dalka.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Dhuusamareeb