Puntland oo digniin culus kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee koonfurta Gaalkacyo

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid C/laahi Deni

Puntland ayaa digniin culus kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, iyadoo mar kale dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay waddo qorshayaal sababi kara xiisad cusub oo ka dhan ah Puntland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu si dhow ula socdo qorshaha safar madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tagayo koonfurta magaalada Gaalkacyo, oo dhanka maamulka Galmudug hoos timaadda.

Puntland ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay in booqashada madaxweynaha Soomaaliya ay dhaliso xiisad iyo colaad ka dhex dhacda Gaalkacyo, oo ah magaalo ay wada deggan yihiin bulshada Puntland iyo Galmudug, isla markaana ay muddooyinkii hore ka dhaceen iska horimaadyo iyo xaalado amni darro.

Sidoo kale, Puntland ayaa ugu baaqday Galmudug iyo shacabka koonfurta Gaalkacyo inay ilaaliyaan nabadda, isla markaana aysan oggolaan in magaalada loo adeegsado arrimo siyaasadeed oo horseedi kara xaalad amni darro, iyadoona sheegtay inay dhankeeda qaadi doonto tallaabooyinka ay u aragto kuwo lagama maarmaan u ah ilaalinta amniga iyo shacabka.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh ku wargelisay inuu mas’uuliyad ka qaadi doono wixii dhibaato ah ee ka dhasha waxa ay ku tilmaantay qorshe lagu hurinayo colaad iyo qalalaase, iyadoo sidoo kale shaacisay inay ciidamadeeda gelisay heegan buuxa, isla markaana xoojin doonto amniga magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada ku xeeran.

Dhinaca kale, wasiirka madaxtooyada Galmudug, Maxamed Faarax Talyaani, oo ka jawaabay eedeymaha Puntland ayaa sheegay in aanay jirin wax qorshe ah oo colaad looga abuurayo Gaalkacyo, isagoo booqashada madaxweyne Xasan Sheekh ku tilmaamay safar caadi ah oo la mid ah booqashooyinka uu ku tago deegaannada kale ee dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda magaalada Gaalkacyo ay deggan tahay, isla markaana Galmudug ay mas’uul ka tahay amniga iyo maamulka deegaannadeeda.

Si kastaba ha ahaatee, digniintan ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya uu marayo marxalad xasaasi ah, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan arrimo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Mudug iyo ciidamada dowladda federaalka ee laga qoray gudaha Puntland.

Puntland oo digniin culus kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee koonfurta Gaalkacyo