Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in dib u dhac kooban lagu sameeyay doorashooyinka isku sidkan ee golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee maamulka Hirshabeelle, kuwaas oo horey loo qorsheeyay in la qabto ugu dambeyn maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20-ka Agoosto ee 2026-ka.
Guddiga ayaa sheegay in go’aanka dib loogu dhigay doorashada uu yimid kadib markii la ogaaday baahida loo qabo in la dhammaystiro qaar ka mid ah howlaha muhiimka u ah diyaar-garowga doorashada, gaar ahaan diiwaan-gelinta codbixiyayaasha.
Sida guddigu sheegay, diiwaan-gelinta ayaa weli ka socota afar degmo oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyadoo ururrada siyaasaddana loo baahan yahay in waqti dheeraad ah loo siiyo abaabulka taageerayaashooda iyo soo gudbinta liisaska musharraxiinta.
Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu soo bandhigi doono jadwalka cusub, kaas oo lagu caddeyn doono waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo doorashooyinka golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka Hirshabeelle.
Dib u dhaca ayaa kusoo beegmaya xilli geeddi-socodka doorashada Hirshabeelle uu wajahayo dood iyo muran siyaasadeed, iyadoo dhinacyo kala duwan ay su’aalo ka keeneen habka loo maamulayo doorashada iyo hufnaanta guddiga doorashooyinka.
Si kastaba ha ahaatee, guddigan ayaa horey doorashooyin uga qabtay deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Galmudug, kuwaas oo ay hareeyeen muran, buuq iyo jahwareer siyaasadeed, arrintaas oo sii kordhisay walaaca laga qabo habsami-u-socodka doorashooyinka cusub ee Hirshabeelle.
