Shir amniga guud ee dalka looga hadlay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Shir amniga guud ee dalka looga hadlay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan C/laahi, ayaa shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaannada, qaybaha iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga guud ee dalka.

Shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Saraakiisha ka qeybgalay kulanka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlgalladii amni ee ay ciidamada boolisku ka qeyb qaateen, iyagoo si gaar ah uga hadlay natiijooyinkii laga gaaray hawlgallada ka dhacay magaalada Baydhabo.

Shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay door ka qaateen hawlgalladii lagu soo afjaray weerarkii ay kooxo hubeysan ku qaadeen Baydhabo, iyadoo hawlgalladaasi ay qeyb ka ahaayeen dadaallada lagu sugayo amniga magaalada iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, taliyaha booliska ayaa hoggaanka baarista dambiyada (CID) iyo qeybta guud ee gobolka Banaadir faray inay dardargeliyaan dadaallada looga hortagayo falalka ka hor imaanaya anshaxa iyo dhaqanka suuban, gaar ahaan kuwa ay ku lug yeeshaan qaar ka mid ah dhallinyarada.

Shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Taliyaha ayaa sidoo kale bulshada ku bogaadiyay wada-shaqeynta ay la leeyihiin ciidamada amniga, gaar ahaan sida ay ula wadaagaan xogaha la xiriira falalka amni-darrada iyo kuwa waxyeellada u geysan kara bulshada.

Shir looga hadlayay amniga guud ee dalka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday iyadoo hoggaanka boolisku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo sugidda amniga, la dardargeliyo la-dagaallanka dambiyada, isla markaana la sii xoojiyo wada-shaqeynta shacabka iyo laamaha amniga.