Labo nin oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab oo lagu dilay degmada Mahadaay

Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Mahadaay, Gaashaanle Suleymaan Cumar Cowsey

Ciidamada booliska ee maamulka Hirshabeelle ayaa xalay degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ku dilay labo nin oo lagu sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab, kaddib markii lagu helay iyagoo miinooyin ku aasaya suuqa xoolaha ee degmada.

Taliyaha saldhigga booliska ee degmada Mahadaay, Gaashaanle Suleymaan Cumar Cowsey, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ciidamada ay heleen xog ku saabsan qorshe lagu doonayay in miinooyin lagu waxyeelleeyo shacabka, taasina ay sababtay in ciidamada si degdeg ah uga howl-galaan goobta.

Sida uu taliyuhu sheegay, ciidamada ayaa gaaray goobta xilli labada nin ay ku howlanaayeen aasidda miinooyinka, waxaana halkaasi ka dhacay iska horimaad sababay in labada nin la dilo.

Ciidamada ayaa sidoo kale soo bandhigay meydadka labada nin iyo mid ka mid ah miinooyinka ay sheegeen in lagu aasayay suuqa, halka miino kale ay goobta ku qaraxday intii uu howlgalka socday.

Ugu dambeyn, ciidamada ammaanka ayaa howlgalka kaddib baaritaanno culus ka sameeyay gudaha iyo hareeraha suuqa xoolaha, si ay u xaqiijiyaan in aan halkaasi lagu aasin miino kale oo waxyeello gaarsiin karta dadka shacabka ah.

Si kastaba ha ahaatee, howlgalkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ay muddooyinkii dambe kordhinayeen hawlgallada amni ee ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan goobaha ay shacabka ku badan yihiin iyo meelaha muhiimka u ah isu-socodka bulshada.