Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay guddoonka golaha wakiillada Koonfur Galbeed, wasiirro, xildhibaano, saraakiisha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.


Guddoomiyaha golaha wakiillada Koonfur Galbeed, Mahad Maxamed Sheekh, ayaa intii lagu guda jiray soo dhaweynta hoggaamiyaha siiyay warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada maamulka, isagoo sheegay in amniga uu yahay mid wanaagsan, isla markaana ciidamada ay jab xooggan gaarsiiyeen kooxihii dhawaan weerarka ku qaaday magaalada Baydhabo.


Sidoo kale, Guddoomiye Mahad Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay dadaallada ay ciidamada qalabka sida iyo laamaha amniga Koonfur Galbeed ugu jiraan sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo ka hortagga falalka kooxaha Khawaarijta.
Dhankiisa, Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, isagoo bogaadiyay ciidamada qalabka sida iyo dhammaan hay’adaha amniga dadaallada ay ugu jiraan difaaca shacabka iyo xasilloonida deegaannada maamulka.


Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka midka ah Al-shabaab, isagoo ugu baaqay inay ka laabtaan fikirka qaldan, islamarkaana isu soo dhiibaan dowladda, kana qeyb qaataan dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo nabadda.
Dhinaca kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu diyaar u yahay soo dhaweynta cid kasta oo ka soo laabata marin-habaabinta, isla markaana dooneysa inay qeyb ka noqoto dadaallada lagu dhisayo nabadda, dowladnimada iyo horumarka dalka.


Ugu dambeyn, Sheekh Aadan Madoobe ayaa shacabka magaalada Baydhabo ugu baaqay inaysan ku kadsoomin wararka iyo dacaayadaha lagu faafinayo baraha bulshada ee lagu cabsi gelinayo bulshada, isagoo xusay in shacabka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.