Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda abaaraha dalka iyo diyaar-garowga fatahaado laga cabsi qabo inay ka dhashaan roobabka dayrta ee la filayo inay dhawaan ka da’aan qeybo ka mid ah dalka.

Kulanka oo ahaa kii ugu horreeyay ee guddiga qaran ee maareynta khataraha masiibooyinka, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda abaaraha iyo qorshayaasha loogu diyaar-garoobayo xaaladaha degdegga ah, iyadoo si gaar ah loo xusay khatarta fatahaadaha ay sababi karaan roobabka ka da’a meelaha u dhow wabiyada iyo dhulka biyo-mareennada ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa guddiga faray inay dardar geliyaan wacyigelinta bulshada, gaar ahaan dadka ku nool hareeraha wabiyada iyo dhulka hoose ee halista ugu jira fatahaadaha, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara roobabka la filayo.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in guddiga looga baahan yahay inay xoojiyaan isku-dubbaridka gurmadka iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, isla markaana ay abaabulaan taageerada deeq-bixiyeyaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed, si gar-gaar loo gaarsiiyo dadka ay saameeyeen abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shir guddoomiyay kulan looga hadlay khataraha kusoo fool leh dalka

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si hore loo sii qorsheeyo gurmadka iyo wacyigelinta bulshada, si dowladda iyo hay’adaha ay khuseyso ay uga hortagaan khataraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee dalka soo wajaha.