Wararka laga helayo degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay iska horimaad dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shacabka deegaanka, kaddib howlgal ka dhacay xaafadda Tookiyo oo lagu burburinayay guryo halkaasi ku yaalla.
Sida wararku sheegayaan, ciidamada ayaa saaka howlgalka bilaabay, kaddib markii dowladda ay sheegtay in dhulka ay guryahaasi ku yaallaan uu yahay hanti dowladeed, iyadoona dadka deegaanka lagu wargeliyay inay guryahaasi isaga baxaan, taasoo dhalisay banaanbax ay sameeyeen shacabka oo ka hor yimid tallaabada ciidamada iyo burburinta guryahaas.
Iska horimaadka ayaa markii dambe sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad dhowr ah, iyadoo sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ay muujinayeen dhalinyaro dhaawac ah oo la dhigay qaar ka mid ah isbitaallada magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwo culus.
Illaa iyo haatan maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya si rasmi ah ugama hadlin xiisadda ka taagan xaafadda Tookiyo iyo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay iska horimaadkaas.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda ka taagan xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa kusoo beegmeysa xilli magaalada Muqdisho ay muddooyinkii dambe ka jireen muranno la xiriira lahaanshiyaha dhulalka iyo sidoo kale burburinta guryaha shacabka, kuwaas oo mararka qaar sababa iska horimaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka.