Wafdi ganacsato oo ka socda dalka Shiinaha ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo ka qeybgalaya shirweynaha xiriirinta ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo la filayo inuu berri si rasmi ah uga furmo caasimadda.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhaweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Shiinaha, Danjire Hodan Cismaan Cabdi, iyadoo soo dhaweynta ay goob-joog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.


Shirweynaha ayaa la filayaa inuu isu keeno ganacsatada, maalgashadayaasha, shirkadaha iyo wakiillada dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, kuwaas oo ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee labada dal.


Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa diiradda lagu saari doonaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, kobcinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga iyo warshadaha, iyo sidii loo abuuri lahaa xiriirro ganacsi oo toos ah oo dhex mara ganacsatada labada dal.


Si kastaba ha ahaatee, shirweynaha ayaa sidoo kale fursad u noqonaya dhinacyada ka qeybgalaya inay is-dhaafsadaan xog iyo waayo-aragnimo ku saabsan suuqyada labada dal, iyadoo la filayo in kulamadaasi ay horseedaan heshiisyo iyo iskaashi cusub oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah.