Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada Qaranka kulan kula yeeshay safiirka UK u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isbeddellada amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirka la wadaagay xog ku saabsan xaaladda dalka iyo dadaallada ay dowladda federaalku waddo ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida siyaasadeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay doorka ay dowladda Ingiriisku ka qaadan karto taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan tayeynta hay’adaha amniga, dhismaha hay’adaha dowliga ah iyo xoojinta awoodda dowladda ee gudashada waajibaadkeeda.

Dhinaca kale, ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxay kulanka, ama go’aanno gaar ah oo dhexmaray labada dhinac, balse kulanku wuxuu muujinayaa sii socoshada xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo UK ee ku aaddan arrimaha mudnaanta u leh labada dal.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo amniga iyo dowladnimada, iyadoo ay socdaan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara jihada dalka.