Hay’adda NISA oo war-saxaafadeed kasoo saartay xiisada ka taagan magaalada Muqdisho

Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA)

Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay 11-kii Oktoobar 2026 kaga hadashay xiisadda amni ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamadeeda ka howlgala waaxda Jeneral Daa’uud.

NISA ayaa maleeshiyaadkaasi ku tilmaamtay inay amar ka qaataan madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxayna sidoo kale sheegtay in rag hubeysan ay xoog ku galeen guryo ku yaalla xaafadda Tiintiinley, iyagoo watay hub ay ka mid yihiin AK-47, BKM iyo RPG.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay dhacdooyin dhacay 24-kii iyo 27-kii Juun 2026, kuwaas oo NISA sheegtay in askari lagu kaxeystay, isla markaana la hor istaagay howlgal amni oo ka socday degmada Wadajir.

Ugu dambeyn, hay’adda NISA ayaa ku adkeysatay inay gudan doonto waajibaadkeeda sharci, ayna ka hortagi doonto fal kasta oo halis gelinaya amniga caasimadda islamarkaana muujin doonaan feejignaan, si looga fogaado iska horimaad waxyeello kasoo gaara dadka shacabka ah.