Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo ergayga wasaaradda warshadaha iyo macdanta dowladda Liibiya, Mustafa Cali Al-Samu, kuwaas oo dalka u yimid xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warshadaha iyo wax-soo-saarka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay horumarinta awoodaha wax-soo-saarka, dhiirrigelinta maalgashiga iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee labada dal, si loo abuuro fursado dhaqaale oo cusub, loona taageero horumarinta warshadaha iyo koboca dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa wafdiga uga warbixiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Liibiya, gaar ahaan horumarinta warshadaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo abuurista fursado dhaqaale oo wax-ku-ool ah, kuwaas oo gacan ka geysan kara koboca dhaqaalaha, shaqo-abuurka iyo horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, iskaashiga labada dal ee dhinacyada warshadaha iyo wax-soo-saarka ayaa fursad u noqon kara is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, horumarinta awoodaha gudaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga, kuwaas oo muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo ballaarinta wax-soo-saarka Soomaaliya.
