Siyaasi caan ah oo ka tirsanaa Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Siyaasi caan ah oo ka tirsanaa Somaliland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

Liibaan Al-Cadaala oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, kaddib markii uu ka tanaasulay aragtidii gooni-isu-taagga Somaliland, isla markaana uu muujiyay taageerada uu u hayo midnimada Soomaaliya.

Xildhibaanno, senatarro, agaasimeyaal, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Liibaan Al-Cadaala kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Liibaan Al-Cadaala oo soo dhaweynta kadib goobta ka hadlay ayaa marka hore uga mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa magaalada Muqdisho.

Wuxuu si weyn u ammaanay amniga iyo horumarka ka socda magaalada Muqdisho, isagoona carrabka ku adkeeyay in Soomaalidu ay yihiin dad isku xiran oo is jecel, meel kasta oo ay joogaan.

Dhinaca kale, Liibaan Al-Cadaala ayaa dhaliilay xiriirka iyo iskaashiga ay Somaliland la bilawday Israa’iil, kaas oo ay dowladda federaalka Soomaaliya hore uga hortimid, wuxuuna sheegay inuu hadda si xor ah uga hadli karo arrimaha siyaasadeed, isaga oo walaac ka muujiyay xiriirkaas.

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiga Liibaan Al-Cadaala ayaa hore uga mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga dhex muuqan jiray doodaha siyaasadeed iyo arrimaha bulshada ee Somaliland, waxayna imaanshihiisa Muqdisho ka dhigan tahay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland aysan ku qanacsanayn siyaasadda hoggaanka sare ee maamulka.