Xildhibaan Kilwe Aadan oo laga soo doorto gobolka Sanaag ayaa walaac ka muujiyay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, C/qaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye, iyo ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), isaga oo sheegay in khilaafku gaaray heer uu saameeyay wada-shaqeynta hoggaanka maamulka.
Xildhibaan Kilwe ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenku uu caro darteed uga maqnaa fadhiga baarlamaanka, taas oo uu ku tilmaamay arrin nasiib darro ah, maadaama ay tahay hay’addii codka ku siisay xilka, isagoona xusay in xaaladdu muujinayso khilaaf siyaasadeed oo qoto dheer oo ay adag tahay in wada-hadal lagu xalliyo.
Xildhibaanka ayaa khilaafka ku xiriiriyay muran la xiriira awood-qaybsiga iyo sida loo maareynayo arrimaha gobolka Sanaag, wuxuuna mas’uuliyadda xaaladda dusha ka saaray madaxweyne Firdhiye, isagoona ku eedeeyay inuu hareer maray dastuurka, isla markaana uusan si habboon ula macaamilin saamiga gobolka iyo xildhibaannadiisa.
Dhinaca kale, khilaafka labada mas’uul ayaa soo shaac baxay toddobaadkii hore, markii madaxweyne Firdhiye uu dib ugu soo laabtay magaalada Laascaanood, kaddib safar dhowr bilood qaatay oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.
Soo dhaweyntii loo sameeyay madaxweyne Firdhiye ayaan waxaa kasoo qeyb gelin ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil (Abwaan), taas oo sii kordhisay hadal-haynta kala aragti duwanaanshaha labada mas’uul.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka labada hoggaamiye ayaa dhalinaya walaac laga qabo inuu saameeyo wada-shaqeynta hay’adaha ugu sarreeya maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka hoggaanka iyo howlaha baarlamaanka, kuwaas oo muhiim u ah habsami u socodka maamulka.