Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay qorsheynayso inay weerarto mucaaradka

Sheekh Shariif oo sheegay in dowladda Xasan Sheekh ay qorsheynayso inay weerarto mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inay safarkiisii Imaaraadka Carabta u adeegsanayso sabab lagu beegsado hoggaanka mucaaradka, xilli khilaafka siyaasadeed ee dalka uu sii xoogeysanayo.

Shariif oo maalintii shalay dib uga soo laabtay Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in safarkiisu uu la xiriiray arrimo qoys, isla markaana uu muddo dheer xiriir la lahaa dalkaas, isagoona sheegay in socdaalkiisa iyo safarrada siyaasiyiinta mucaaradka aan loo adeegsan karin tallaabo ka dhan ah mucaaradka.

Waxa uu sidoo kale dowladda ku eedeeyay inay si aan habboonayn u adeegsanayso hay’adaha dowladda iyo ciidamada qaranka, isagoo ka digay in diidmada wada-hadalka siyaasadeed ay xaaladda dalka gaarsiin karto marxalad dagaal.

Dhinaca kale, hadallada Shariif ayaa yimid kaddib eedeymo uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo uu sheegay inay Imaaraadka kasoo diyaariyeen qorshayaal uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga iyo dowladnimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in dowladda federaalka ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo ay u aragto inay halis ku tahay nabadda, dowladnimada, qaranimada iyo madax-bannaanida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka ayaa kusoo beegmaya xilli labada dhinac ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka, iyadoo ay weli kala duwan yihiin aragtidooda ku aaddan sida dalka looga gudbayo marxaladda siyaasadeed ee hadda taagan.