Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay Baydhabo iyo ammaanka magaalada oo si weyn loo adkeeyay

Ciidamada ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada iyo nawaaxigeeda, iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay, xilli la filayo in maalmaha soo socda uu halkaasi ka furmo shir dib-u-heshiisiin ah oo looga hadlayo xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Goob-joogayaal ku sugan Baydhabo ayaa warbaahinta Bulshoweyn Online u sheegay in gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka dadweynaha, xaafadaha qaar iyo goobaha ganacsiga.

Dhinacyada qabanqaabinaya shirka ayaa wada diyaar-garowga kulanka, kaas oo la filayo inay ka qayb galaan siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed iyo dhinacyo kale oo ku lug leh khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee Koonfur Galbeed.

Shirkaan ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Baydhabo ay ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo muddo soo jiitamayay, gaar ahaan kaddib dagaallo iyo iska horimaadyo dhawaan ka dhacay magaalada iyo nawaaxigeeda.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda la shaaciyo ajandaha shirka iyo liiska martida ka qaybgalaysa, iyadoo kulanka lagu doonayo in looga arrinsado khilaafaadka siyaasadeed iyo amni ee ka jira Koonfur Galbeed.