Xasan Cali Khayre oo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Muqdisho ee la xiriirta dhaqdhaqaaqyada ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isaga oo ka digay in xaaladdu horseedi karto colaad cusub.

Khayre ayaa tallaabooyinka ugu dambeeyay ee dowladda ku tilmaamay daandaansi, isaga oo sheegay in dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka socda agagaarka goobaha ay joogaan madaxda mucaaradku ay abuuri karaan jawi colaadeed oo caasimadda u horseeda qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed.

“Waxaan si adag uga digayaa cawaaqibka xun ee ka dhalan kara daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee taliska Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu ku beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxdii hore ee qaranka, tallaabooyinkani waxay abuurayaan jawi colaadeed oo caasimadda dalka u horseedi kara xasillooni-darro, qalalaase amni iyo hubanti la’aan siyaasadeed,” ayuu yiri Khayre.

Sidoo kale, Khayre ayaa eedeymo culus u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu ku howlan yahay tallaabooyin halis gelin kara madaxda mucaaradka, wuxuuna sheegay in madaxweynaha ay saaran tahay mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha xaaladda taagan.

“Waxaa ayaandarro ah in madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud uu u oomman yahay dhiig hor leh, kuna hawllan yahay ficillo uu ku banneysanayo dhiigga madaxdii hore, waxaana ummadda Soomaaliyeed si cad u sheegaynaa in Madaxweynaha waqtigiisu idlaaday uu qaadayo mas’uuliyadda cawaaqib kasta oo ka dhasha tallaabooyinkan” ayuu sii raaciyay.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee dalka aan lagu xallin karin awood ciidan iyo cagajugleyn, isaga oo ku baaqay in dowladda iyo mucaaradku ay dib ugu laabtaan miiska wada-hadalka si heshiis looga gaaro doorashooyinka, loona helo dowlad ku timaadda hannaan la isku raacsan yahay oo leh sharciyad siyaasadeed.

“Awood ciidan iyo cagajugleyn laguma xallin karo xaaladda murugsan ee dalku ku jiro, dariiqa keliya ee Soomaaliya looga badbaadin karo hubanti la’aanta siyaasadeed waa in dib loogu laabto miiska wada-hadalka si heshiis siyaasadeed looga gaaro doorashada, loona helo dowlad ku timaadda hannaan heshiis lagu yahay oo leh sharciyad ay ku hoggaamiso Soomaaliya” ayuu kusoo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada ay qabaan mucaaradka ee ku aaddan xaaladda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay sheegeen in lagu beegsanayo madaxda hore ee dalka, taas oo sii xoojinaysa xiisadda u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka.