Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Turkiga laga leeyahay ee Çağrı Bey, kaas oo hawlgallo shidaal-qodis ah ka wada biyaha Soomaaliya, si uu xog uga helo halka ay marayaan hawlaha socda.


Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan hawlaha la qabtay iyo natiijooyinka hordhaca ah ee laga gaaray qodista shidaalka.
Dowladda Turkiga ayaa maalgelinaysa kharashaadka ku baxaya hawlgallada shidaal-sahminta iyo qodista ee Soomaaliya.


Markabka Çağrı Bey ayaa ah kii ugu horreeyay ee Turkigu u diro hawlgallo shidaal-qodis ah oo ka baxsan biyaha dalkiisa.
Hawlgalladaan ayaa lagu sahminayaa khayraadka shidaal ee Soomaaliya, iyadoo natiijooyinka laga helaa ay saldhig u noqon doonaan qiimeynta kaydka shidaalka iyo ka faa’iidaysigiisa.


