Fahad Yaasiin oo si cajiib ah u dhaliilay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh

Fahad Yaasiin oo si cajiib ah u dhaliilay hadalkii kasoo yeeray madaxweyne Xasan Sheekh

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, oo haatan ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si cajiib ah u dhaliilay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aanay jirin talo dhulka la dhigaayo, islamarkaana aysan socon doonin waxa ay mucaaradku rabaan.

Fahad Yaasiin ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara khilaafka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in hab-dhaqanka madaxweyne Xasan Sheekh uu horseedi karo xaalad la mid ah tan Suudaan, oo ay iska soo horjeedaan labada hoggaamiye ee C/fitaax Al-Burhaan iyo Maxamed Xamdaan Dagalo (Xamayiiti).

“Xasan Sheekh wuxuu doonayaa inuu haadaan ka tuur qaranka oo uu xaaladda Soomaaliya la aado jidka Al Burhaan iyo Xamayiiti: labo madaxweyne, labo dowladood iyo labo ciidan” Ayuu yiri Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa ku eedeeyay dowlad shisheeye inay madaxweyne Xasan Sheekh ku dhiirrigelisay inuu xukunka sii joogo, isaga oo ku dooday in arrintaasi ay sii kala fogeyn karto shacabka Soomaaliyeed.

“Dowlad shisheeye ayaa ka dhaadhicisay kursiga haka kicin, iyagoo uga dan leh in Soomaali lasii kala fogeeyo. Ilaahay idankiis damacaas uma hirgalayo” Ayuu Fahad Yaasiin hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay taagan yihiin khilaafaad siyaasadeed oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka, gaar ahaan hannaanka doorashada iyo baaqyada la xiriira wada-hadalka siyaasadeed.