Farmaajo oo ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee uu soo saaray guddiga doorashada qaranka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa si adag uga horyimid jadwalka doorashooyinka uu ku dhawaaqay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, isaga oo ka digay in hannaan aan heshiis lagu ahayn uu dalka u horseedi karo khilaaf siyaasadeed iyo doorashooyin isbarbar socda.

Guddiga ayaa shaaciyay in doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka la qaban doono 15-ka Abriil 2027, halka doorashada madaxweynaha loo asteeyay 15-ka May 2027.

Farmaajo ayaa dhaliilay habka loo dejiyay jadwalka, isaga oo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu doonayo in doorashada loo maro hannaan aanay qayb ka ahayn dowlad-goboleedyada iyo mucaaradku.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ku baaqay in dib loo ambaqaado wada-hadallada siyaasadeed, lana gaaro heshiis lagu qabanayo doorasho loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda dowladda, maamul-goboleedyada, mucaaradka iyo beesha caalamka inay ka shaqeeyaan xal siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo doorasho hufan, lagana hortagayo xiisado hor leh.

Si kastaba ha ahaatee, jadwalka doorashooyinka uu soo saaray guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada dalka, taas oo ka dhigaysa heshiis dhex mara dhinacyada siyaasadeed arrin muhiim u ah geeddi-socodka doorashada 2027.

Farmaajo oo ka horyimid jadwalka doorashooyinka ee uu soo saaray guddiga doorashada qaranka