Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay jadwalka doorashooyinka dalka ee uu shaaciyay guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha, kaas oo lagu cayimay xilliyada la qorsheeyay in la qabto doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo tan madaxweynaha Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay dowladda soo saartay ayaa lagu sheegay in jadwalkani uu muhiim u yahay horumarinta geeddi-socodka doorashooyinka iyo xoojinta hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, iyadoona sidoo kale muujisay inay sii wadi doonto dadaallada lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda laga gaaro is-afgarad ku saabsan arrimaha doorashooyinka.
Dowladdu waxay sheegtay in muddadii 18-ka bilood ee la soo dhaafay ay wadatashi iyo wada-xaajood u fidinaysay dhinacyada kala duwan ee Soomaaliyeed, si heshiis looga gaaro arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka, islamarkaana caddeysay in dadaalladaasi ay sii socon doonaan, iyadoo la doonayo in laga gaaro natiijo horseedda is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.
Dhinaca kale, dowladda federaalka ayaa tilmaantay in soo dhoweynta jadwalka doorashooyinka iyo sii wadidda wadahadallada siyaasadeed ay yihiin laba arrimood oo is-kaabaya, kuwaas oo ay ku sheegtay inay qayb ka yihiin mas’uuliyadda dowladda ee ilaalinta xasilloonida, adkeynta midnimada qaranka iyo xaqiijinta xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta.
Ugu dambayn, dowladda ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si niyad-wanaag iyo mas’uuliyad qaran leh uga qayb qaataan wadatashiyada socda, isla markaana ay iska kaashadaan sidii loo heli lahaa doorashooyin nabdoon oo lagu kalsoonaan karo, kana qayb qaata xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dowladnimada Soomaaliya.