Farmaajo oo si weyn u dhaliilay hadalladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa dhaliilay hadalladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay inuu ka baxay dadaalladii lagu doonayay in heshiis laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in hadallada madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayaan, sida uu hadalka u dhigay, damac muddo-kororsi oo halis gelin kara xasilloonida iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Farmaajo ayaa sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka baxay wada-hadalladii ay garwadeenka ka ahayd beesha caalamka, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in dhinacyada siyaasadeed ay heshiis ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Wuxuu intaas ku daray in ka bixitaanka wada-hadallada iyo ku dhawaaqista hannaan doorasho oo aan heshiis lagu ahayn ay muujinayaan, sida uu aaminsan yahay, in aan loo diyaar garoobin hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay dib u eegto dadaallada dhexdhexaadinta ee ay waddo, isaga oo ku adkeystay muhiimadda ay leedahay in la helo doorasho hufan oo ay ku wada qancaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Farmaajo ayaa imaanaya xilli guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo soohdimaha uu dhawaan shaaciyay jadwalka doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyo doorashada madaxweynaha, taas oo ay si cad uga horyimaadeen siyaasiyiinta mucaaradka ah oo qaba tabashooyin la xiriira hannaanka doorashooyinka.

Farmaajo oo si weyn u dhaliilay hadaladii ugu dambeeyay ee madaxweyne Xasan Sheekh