Dowladda federaalka iyo Koonfur Galbeed oo bilaabay abaabul ciidan oo ka dhan ah ciidanka Laftagareen

Ciidanka kumaandooska ee Danab oo burburiyay fariisimo Al-shabaab ku lahayd gobolka Baay

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay abaabulka ciidamo loo diyaarinayo inay dib ula wareegaan degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobolka Baay oo ay la wareegeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Deegaannada la doonayo in dib loogu soo celiyo gacanta maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) waxaa ka mid ah Qansax-dheere, Bardaale, Buur-hakaba, Awdiinle iyo Diinsoor, kuwaas oo la sheegay inay hadda gacanta ku hayaan ciidamada taabacsan Laftagareen.

Abaabulka socda ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in deegaannadaas dib loogu soo celiyo gacanta maamulka uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Dhinaca kale, ciidamo badan ayaa la sheegayaa inay haatan ku jiraan diyaar-garow la xiriira guluf ciidan oo lagu qaadi doonno deegaannada ay joogaan xoogagga taabacsan Laftagareen, hase yeeshee, weli lama hayo faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan xilliga uu gulufkaasi bilaabanayo iyo baaxadda uu yeelan karo.

Si kastaba ha ahaatee, abaabulkan ciidan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Baay ay ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhaxeeya dhinacyada ku loollamaya hoggaanka Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadaasi ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo xasilloonida gobolka.