Ra’iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra'iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Ra'iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, horumarinta hay’adaha dowladda, kobcinta dhaqaalaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee mudnaanta u leh dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee uu siiyo Soomaaliya, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga ku dhisan danaha wadajirka ah.

Wuxuu sidoo kale danjiraha warbixin ka siiyey horumarka laga sameeyey amniga, dimuqraadiyadda iyo dowlad-dhiska, isaga oo xusay qorshaha xukuumadda ee lagu xoojinayo dowladnimada, amniga, kobaca dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Ra'iisul wasaare Xamse oo kulan la yeeshay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya László Eduárd Máthé ayaa dhankiisa adkeeyey muhiimadda xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, isaga oo muujiyay sida ay lagama maarmaan u tahay sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub ayaa ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya amniga iyo horumarinta hay’adaha dowladda, iyadoo kulankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu sii xoojinayo wada-shaqaynta labada dhinac.