Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda xiritaanka shirweynaha sannadlaha ah ee labaad ee dalladda culimada haweenka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada, dhismaha bulshada iyo xoojinta doorka haweenka ee horumarka dalka.

Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed
Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa bogaadiyay kaalinta culimada haweenka ee wacyigelinta bulshada, ilaalinta qiyamka diinta iyo dhaqanka, isaga oo xusay in haweenku laf-dhabar u yihiin bulshada, isla markaana ay door muhiim ah ka qaataan dib-u-dhiska dalka, waxbarashada iyo tarbiyadda carruurta.

Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Dhinaca kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay saameynta uu burburkii dowladnimadu ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in duruufihii adkaa ee dalku soo maray ay fursad u abuureen faafitaanka fikradaha xagjirka ah ee ka hor imanaya diinta iyo nabadda bulshada. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wacyigelinta iyo dadaallada lagaga hortagayo fikradahaas.

Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay door weyn ka qaateen badbaadinta bulshada xilliyadii adkaa ee dalka, islamarkaana ay qayb ka ahaayeen dadaallada dib loogu dhisayo dowladnimada, isagoona si gaar ah u bogaadiyay hooyooyinka Soomaaliyeed, oo uu ku ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin korinta carruurta iyo horumarinta bulshada.

Ra'iisul wasaare Xamse oo ka qayb galay xiritaanka shirweynaha culimada haweenka Soomaaliyeed

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse ayaa culimada haweenka ku boorriyay inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan dhismaha dowladnimada, ilaalinta dhaqanka suubban iyo wacyigelinta bulshada, isagoona sheegay in xukuumadda DanQaran ay ka shaqayn doonto xoojinta doorka culimada haweenka iyo kobcinta fursadaha ay ku yeelanayaan hoggaaminta iyo horumarinta dalka.